Gaas iyo Garaad Shirwac oo madasha isku weeraray

“Cabdulaahi Yuuusuf Nin qalafsan oo Isimada aan uroonayn buu ahaa mar uu dan ka leeyahay maahee,Faroole xoogaa buu noo dhaamay oo mar-mar buu noo yeeri jiray..Gaas-na noomaba yeeri jirin oo talo waxaa la siiyay ah kuwaas ka fogoow balaayaduba waa iyaga ,,been kama sheegayo waa fadhiyaa..Deni ma dhaliilayo ee waa eegaynaa suu yeelo”Sidaa waxaa yiri Garaad Shirwac oo ka hadlayay shalay madash ashirweynaha wadatashiga Puntland ee Garowe.

Madaxweyne Gaas oo ka jawaabayay hadalka Garaad-ka,ayaa yiri sida tan….

“Isimadu iskuma yeeri jirin balse mid mid bay ii dhamaysteen Garaadkuna waa ka mid ahaa oo waliba dheeri,ayuu qaadan jiray”.

Hadal adag oo dadku ku kala qaybsameen,ayay is waydaarsadeen Madaxweyne Gaas iyo Garaad Shirwac.