Deni dayacii shacabka digashuu ugu daray!!

Aadbay dad badani kaaga niyad jabeen markii loo sheegay in aad aaday Fasax nasasho,iyadoo Bosaso iyo Gaalkacyo xaalkoodu bariga dhexe yahay lagaana filayay Shirka kadib in aad ka hawlgalayso!!!.

Madaxweyne adoo kale fasax iyo dalxiis ma’aado!!.

Nin dalkiisu usugan yahay,ayaa fasax gala haystana waxuu isku haleeyo!!

Shacabkaagii waxaa iskugu darsoomay sadex……

1.Amaan xumo baahsan.

2.Dayac iyo Darxumo

3.Khatar Caafimaad.

Gaas ugu yaraan nasashadiisa waa kala fogaan jiray shacabka oo Adis iyo Nayrobi,ayuu la aadi jiray!!.

Waa nasiib daro in aad sawiradan iyo qoraalkan la wadaagto Bulshadan dayacan ee quusta taagan!!!

Saxaafadu yaysan ka aamusin hab dhaqankan hadii damiir Wadananimo ku jiro!!!.

Qormada Madaxweynaha!!

“Waxaan fasax gaaban ku joognaa Degmada Eyl oo qiyaastii u jirto 200 km caasimada Puntland ee Garoowe. Eyl waa magaalo taarikhi ah oo ku haboon dalxiis,inta aan joognay Eyl waxay inoo ahayd fursad aan ku eegno baahiyaha ka jira Eyl iyo sida loo horumarin karo khayraadka dhulkeena iyo quruxdiisa. Sidoo kale, in aan eegno meelaha ku haboon in la maalgeliyo”Ayuu Madaxweyne Deni yiri.

Jibril Qoobey.