C.C.Warsame oo codkiisa ku biiriyay dhawaaqa Xoriyada Wariye Gurbiye

Waxaan codkayga ku biirinayaa in xabsiga laga sii daayo, xorriyadiisa la siiyo wariye C/casiis Axmed Gurbiye oo ah agaasime ku xigeenka warbaahinta Goobjoog. Waa la filayey dawlada u hanjabtay Wariye Washignton jooga in aysan kuwa Muqdisho jooga ka baxsan doonin, laakiin la isma lahayn Madaxweynaha ayaa bilaabi doona.

Haddii uu Madaxweynu eed shakhsi ah u haysto Wariye Gurbiye dacwad ayuu hay’adda Garsoorka ka furan karaa, laakiin awooda laanta fulinta kuma caburin karo muwaadin Soomaaliyeed. Wiil Vila Somalia jooga oo awood dawladeed looga adkaysiiyo mid ficiis ah oo dibadeeda jooga waa dulmigii horay dalkaan u dumiyey.

Haddii uu Madaxweynuhu dhibsaday qaab dhigaalka qoraalka Wariye Gurbiye, waxay ahayd in uu dhibsado aflagaadada siyaasiyiinta, madaxda iyo maamulada dalka ee xaafiiskiisa laga maalgeliyo. Waxaa madaxweynaha haysta waa wado uu isagu jeexay iyo dhaqan uu horay u jideeyey.

Tan kale, markii uu Karoona Fayris ku dhacay RW Ingiriiska Boris Johnson, hoygiisa No.10 waa loogu keeni karay agab caafimaad iyo dhakhaatiir daawaysa, laakiin sababta uu Cusbitaal dadwaynaha lagu daaweeyo u tegey, waa in uu naf hur muujiyo, shacabkiisana ka naf jeclaysan, wixii ay qabaana la qabo. Waa tii uu Raage Oomaar bartiisa Twitter ka kusoo qoray

“Ina adeerkeey iyo Boris Johnson isku Isbitaal ayey caawa jiifaan”

Ma haboona in madaxweynuhu shacabkiisa ka nafjeclaysto, mana ahayn in halkii ay doodu noqon lahayd heerka hoggaan ee madaxweynuhu ka qaatay hawsha culus Karoona Fayris, in ay doodii noqoto mashiinkii Madaxtooyadaa qaadatay iyo wariyihii sheegayna waa la xiray.

Waxaan ugu baaqayaa ururada suxufiyiinta, bulshada rayadka ah iyo beesha caalamka, gaar ahaan dawladihii la damqaday wariye Haaruun in ay arrinkan meel kaga soo wada jeesadaan.

C C.Warsame