“Mashruuca Baxnaano ee Farmaajo oo fashilmay!!

Warkii ay Madaxtooyada Fadaraalku faafisay ee ku saabsanaa Mashruuca Baxnaano ee uu shalay daah furay Madaxweynaha Fadaraalka Somaliya oo laga daba tagay.

Qoraal Madaxtooyada kasoo baxay shalay,ayaa lagu sheegay in mashruuca Baxnaano taakuleyn dhaqaale lagu siinayo qoysaska danyarta ah.

Wajigiisa1-aad ayaa waxaa ka faa’iideysan doona sida warkaas lagu sheegay 1.3-Malyan oo qof.

Sida warkaas lagu sheegay lacagta loogu talaglay barnaamijka Baxnaano,ayaa dhan 4-Milyan oo Dollar bil walba.

Wasiir Saadiq Warfaa,ayaa warka badalan midka Madaxtooyada baraha bulshada ku faafiyey,kaasoo muujinaya in wejiga hore ee Mashruuca ay ka faa’idsysan doonaan 200,000 qoys oo ah kuwa ugu tabarta yar bulshada,iyadoo loo qaybin doono bil walba lacag dhan 1.3 Milyan Dollar.

Hadalka Wasiirka wax weyn masoo kordhin kaliya waxuu yareeyay tirada Dadka ka faa’idaysanaya Mahruucan ee ay Madaxtooyada Fadaraalku horay ugu faantay.

Mashruucan,ayaa ah mid horey usocday oo ay fulinayeen Hay’ado ka tirsan Qaramada-Midoobay,gaar ahaan Unicef,iyadoo uu maalgalinayay Baanka Aduunka.

Dowlada Fadaraalka mashruucan lacag ay leedahay kuma maalgalin,mana ahan Canshuur ay dib ugu celisay Dadweynaha.

Farmaajo xarig jarkiisii shalay waxuu ahaa igu sawirta caadada u ahayd.

Bulshada waxaa la yaab iyo amakaag ku noqotay in Madaxweynihii Jamhuuriyada lacag yar oo sadaqo ah gaaraysanaya calaa Qoys 7-dolar oo caalamka ka timid in uu ku sheego taageero dhaqaale oo Dowladu ubilowday shacabka.

Jibril Qoobey.