Madaxweyne Farmaajo oo xil ka qaadis iyo magacaabis sameeyay

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xilka ka qaaday Labo kamid ah Guddoomiye ku-xigeenada Gobalka Banaadir, isagoona magacaabay bedelkooda.

  1. Mudane Ibraahim Cumar Mahad Alle, oo ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobalka, waxaana xilkaas loo magacaabay Mudane Axmed Xasan Iimaan.
  2. Mudane Aadan Sheekh Cali Fiidoow,  oo ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Gobolka Banaadir,  waxaana xilka loo magacaabay Mudane Cumar Cali Cabdi.
    Madaxweyne Farmaajo oo xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiye K/Xigeennada Maaliyadda & Hawlaha Guud ee G/Banaadir

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay labada Guddoomiye K/Xigeen inuu Eebbe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isaga oo kula dardaarmay inay si hufan u gutaan hawlaha baaxadda leh ee horyaalla.