Sheekh Shariif & Safiirka UK oo ka wada-hadlay Doorashooyinka Dalka

Madaxweynihii hore ee dowladoo KMG aheyd ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka warbixiyey wadahadal dhanka khadka taleefanka ah oo uu la yeeshay safiirka Ingiriiska u jooga Soomaaliya Amb Ben Fender.

Qoraal uu soo saaray Sheekha ayuu sheegay inay ka wada hadleen diyaar garowga doorashada 2020/2021, la tacaalista Covid-19, xiriirka dowladda dhexe iyo maamulada xubnaha ka ah iyo dib u heshiisiinta ay hirgaliyeen maamulada Galmudug iyo Jubaland.

Shariif ayaa sidoo kale tilmaamay inay isku soo hadal qaaden isaga iyo safiirka arrimo ku aadan wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo weli hakad ku jira.

Halkaan hoose ka aqriso qoraalka:-

Waxaan khadka teleefanka ku wada hadalnay maanta safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Amb Ben Fender.

waxaan ka hadalney diyaar garowga doorashada qaranka, la tacaalista Covid-19, xiriirka dowladda dhexe iyo maamulada xubnaha ka ah, iyo dib u heshiisiinta ay hirgaliyeen maamulada Galmudug iyo Jubaland.

Sidoo kale wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo soo biloowday xilligii aan xafiiska joogay maantana hakad kujira ayaan isla soo qaadney.

Ugu dambeyntii waxaan isla garannay abuurista jawi degan iyo siyaasad loo dhan yahay inay tahay xalka kaliya ee lagu gaari karo hanaan doorasho oo xor ah.