Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Xisaab xirkii 2019

Garoowe, July 02, 2020: Fadhiga 11-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Fadhiga maanta waxaa goob-joog ah 41 Xildhibaan, Ajandaha ayaa ah soo gudbinta Warbixinta Xisaab-xirka 2019 ee Guddiga Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada DPL ee gacanta ku hayey xisaab-xirkii sannad-maaliyadeedka 2019 oo Guddiga ku sameeyay akhriskii 2aad.

Ka dib Tallo-soo jeedinta Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL waxaa cod gacan-taag ah ku ansixiyay Xisaab-xirka 39 Xildhibaan, waxaa ka aamusay 2 Xildhibaan mana jirin cid diiday.

Dhanka kalena, waxaa maanta Xildhibaanadda Golaha Wakiillada Dawladda Puntland loo qeybiyay Wax-ka bedelka xeerka Dawladaha Hoose ee Puntland (Law Number 7).

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland
E-mail: info@puntlandparliament.net
https://www.facebook.com/Parliamentofpl
Twitter: @Parliamentofpl
Instagram: @Parliamentofpl
YouTube: Puntland Parliament