Puntland qoondadeeda maka heli doontaa lacagta Baanka Aduunka?

Baanka aduunka ayaa ugu deeqay lacago malaayiin dollar ah Somaliya toddobaadkii lasoo dhaafay.

Wasiirka beeraha Fadaraalka Saciid Xuseen Ciid oo u warramay Idaacadda VOA,ayaa sheegay in 120-ka Milyan ee Baanka Aduunka ku deeqay lagu filanyo mashaariic wax looga qabanayo, ka hor-tagga Ayaxa, fatahaadaha iyo xanuunka CVID-19.

Puntland,ayaa ah qaybta Somaliya ee ay sidii loogu talagalay uga fuleen mashaariicdii hore,si gaar ah la dagaalanka Ayaxa ayay Puntland dadaal xoog leh ka muujisay.

Balse weli faro kulul,ayuu ku hayaa Deegaamo badan oo Puntland ka tirsan.

Sidoo kale Puntland waxay baahi weyn uqabtaa Biyo-xireeno door ah oo laga hirgaliyo.

Dowlada Fadaraalka,ayaa horay uga hor istaagtay Puntland Mashaariic fara badan oo ay xaq ulahayd,halka Somaliland ay ufasaxday Mashaariic ay ugu danbeeyeen kuwa maanta la shaaciyay ee Dowladaha Uk,Denmark iyo Holand ugu sii marsiiyeen.

Jibril Qoobey.