Shirkii Dhuusamareeb oo caawa soo xirmaya

Shirkii Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka galabta ama Caawa,ayuu soo gabagaboobayaa.

Gudiyada farsamada,ayaa gacanta ku haya diyaarinta Warnurtiyeedka xigan.

Kadib soo xiritaanka Shirka Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,waxaa beri subax ku xigi doona oo isla Dhuusamareeb ka furmi doona Shirkii guud ee Madaxda Dowlada Dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

Beri waxaa soo gaari doona Dhuusamareeb Madaxweynaha,Ra’isalwasaaraha iyo Wasiiro.

Dhuusamareeb ilaa Arbacada soo socota waa lasii joogi doonaa.

Jibril Qoobey.