Madaxweynaha Tigreega Itoobiya oo afka furtay

Madaxwaynaha Tigreega,Dr Debression oo saxaafada ayaa eedeymo kulul u jeediyay Xukuumadda dhexe ee Itoobiya oo uu hoggaamiyo Ra’iisulwasaare Abiy Ahmed.

“Xili aan ku mash-quulsanahay amniga,xasiloonida iyo ka jawaabida tabashada maamulka suuban ee shacabka ayay Dawladdii dhexe oo Eritrea kaashanaysa markasta ka shaqaynaysaa sidday dhibaato/Weerar noo gaadhsiin lahayd.” ayuu yiri Madaxweynaha Ismaamulka Tigreega,

Dr Debression oo haddalka sii wata ayaa yidhi:- “Waxaan ku hawlanahay siddaan doorashada wakhtigeeda ugu qaban lahayn,waana qoddob Dastuuriya. Dawladda dhexena waxay qorshaynaysaa sidday u carqaaladayn lahayd,waxay noogu hanjabaysaa ‘tallaabo ayaan idinka qaadi doona’.Qorshahana waxaa lagu diyaarinaya Dalka Eritrea. ”

Weeraraddaas waan u diyaarsanahay afkaan ciida udari doonta cidkastoo arrimahaas ku hawlan,ayuu yidhi Dr Debression.