Madasha Xisbiyadda Qaran oo ka hor-timid rididii Xukuumadda Kheyre (Akhriso)

Madasha Xisbiyadda Qaran oo ay Hoggaaminayaan Madaxweynayaashii hore ee Dalka Hassan Sheikh Mohamud & Sharif Sheikh Ahmed, ayaa ka hor-timid xasaanad kala laabashadii Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Hassan Ali Khaire.

War-Murtiyeed kasoo baxay Madasha Xisbiyadda ayaa lagu sheegay in talaabada ay qaadeen Guddoonka Golaha Shacabka BJFS ay aheyd sharci-darro lagu carqaladeynayo Shirkii Dhuusamareeb ee Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah DFS.