Gaalkayo: Xilka kaaliyaha Xoghayaha Dowladaha Hoose ee Puntland oo la laalay

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Dhabancad, ayaa laalay xilka kaaliyaha xoghayaha Dowladaha Hoose ee Degmooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso.

Waraaq kasoo baxday Wasiir Dhabancad ayaa lagu sheegay in xilka Kaaliyaha Xoghayaha Dowladda Hoose uusan waafaqsaneyn sharciga Dowladaha Hoose ee L.N.7 ee qaab dhismeedka Dowladdaha Hoose & xeerka nidaamiyayasha kalaba.