Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Shacab Bursaalax (VIDEO)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa ka qeybgalay, Xaflad soodhoweyn ah oo loogu sameeyay degmada Buursaalax ee Gobolka Mudug.

Qeybaha kala duwan ee Bulshada ee ka hadlay kulanka ayuu Madaxweynuhu si wanaagsan u dhegaystay, talo soojeedintooda iyo baahiyaha ka jira deegaanka u baahan in wax laga qabto.

Madaxweynaha oo ka jawaabay baahiya dadka deegaanka gaar ahaan in degmadu hesho Gole deegaan iyo dardargelinta Hay’addaha dowliga ah, ayaa ku dhawaaqay in Golaha deegaanka ee degmada sida ugu dhakhso badan loo dhisayo, sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu Faray dhammaan Wasaaradaha in Wasaarad kasta ay wakhti yar gudihiis kaga jawaabto baahiya ka jira deegaanka ee ay iyada khuseeya.

Xafladda waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay, Madaxweyne ku-xigeenkii hore Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, Xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Saraakiil Ciidan, Maamulka Gobolka Mudug, Hoggaan dhaqan, Haweenka Degmada , Dhallinyaro iyo Fanaaniin.