Farmaajo oo u fasaxay 3 Milyan Maamulka Hirshabelle

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Shabakadda Idil News, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu u fasaxay Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare lacag gaaraysa 3 Milyan.

Lacagtan ayaa qeyb ka aheyd lacagaha kabka Miisaaniyadda Wasaaradaha Maaliyadda DFS, Dowlad Gobaleedyada, Somaliland iyo Gobalka Banaadir, oo horeyto uu Madaxweyne Farmaajo uu joojiyay, kaddib markii lagu shubi lahaa Accoun-ka Wasaaradaha.

Lama oga ujeedada rasmiga ah ee uu lacagtan si gaar ah uu ugu fasaxay Madaxweyne Farmaajo, balse warar hoose ayaa sheegaya inuu jiro heshiis hoose oo dhexmaray Farmaajo iyo Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, oo dhowaan galaya loolan doorasho.

Lacagtan loo fasaxay Maamulka Hirshabeelle ayaa qeyb ka ah lacag gaareysa 70 Milyan oo ah kabka Miisaaniyadda DFS iyo Dowlad Gobaleedyada, waxaana ugu deeqay Soomaaliya Bangiga Adduunka, Wasiirada Maaliyadda ee ku shiray Muqdisho todobaad kahor ayaana u qeybsaday,

Dowladda Federaalka 19 Milyan oo dollar

Somaliland 11 Milyan

Puntland 9 Milyan

Galmudug 4 Milyan

Koofur Galbeed 3 Milyan

Jubbaland  3 Milyan

Hirshabeelle  3 Milyan

Gobolka Banaadir 3 Milyan