Senator Qeyb-diid “Dib-u-dhac ayaa ku yimid dhameystirka Dastuurka” (VIDEO)

Guddiga Joogatada Golaha Aqalka Sare ee BJFS ayaa xarunta Aqalka Sare ku yeeshay kulankiisa 5-aad ee Kalfadhiga 7-aad, ayada oo uu Ajedahu ahaa ‘Dhageeysiga Warbixinta Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka’, kulankan ayaana waxaa shir-guddoomiyey Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Guddoomiyaha Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka Cabdi Xasan Cawaale Qeyb-diid, ayaa sheegay in dib u dhac uu ku yimid howlihii guddiga ee arimaha dastuurka.