Duqii Degmada Goldogob oo la doortay

Galdogob September 22 2020 :- Degmada Galdogob ee Gobalka Mudug waxaa ka qabsoomtay Doorashada Gudoomiyaha Iyo Gudoomiye ku xigeenka Degmada Galdogob iyo Wacyi galinta Hannaanka Geedi socodka Dimuqraadiyeynta Puntland.

Ugu horeyn qaar kamid ah Xildhibaanada Cusub ee Gollaha Deegaanka Degmada ayaa lagu dhaariyey Goobta Doorashada, intaas kadibna waxay xildhibaanada u dhaqaaqeyn Codeynta Gudoomiyaha iyo Gudoomiye Ku xigeenka Degmada.

Gudoomiyaha Degmada waxaa ku tartamayey Laba musharax oo lagu kale magacaabo Cabdulqaadir Khaliif xaashi, Cabdiqafaar sheikh Ibrahim, waxaana Xildhibaanada Gollaha Deegaanka Degmada Galdogob ay xilkaas ugu doorteen inuu hogaaminayo Degmada Cabdiqafaar sheekh Ibrahim.

Intaas kadib waxaa loo dhaqaaqay Doorashada Gudoomiye Ku xigeenka Golaha Deegaanka waxaana u sharaxnaa hal Musharax oo lagu magacaabo Deeq Axmed Dinix, waxayna Galoha deegaanka si gacantaaga ugu doorteen Gudoomiye ku xigeenka Degmada Galdogob.

Munaasibada Doorashada ayaa waxaa Goob joog Ahaa Wasiirka Wasaaradd Arrimaha Gudaha Faderaal iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad, wasiiro Xidlhibaano Ka tirsan Puntland, agaasimaha waaxda Dowladdaha Hoose ee wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL,Gudoomiye ku xigeenka Gobalka Mudug, iyo isku-duwaha Wasaaradda ee Gobalka Gobalka mudug, nabadoonada iyo Waxgaradka Galdogob iyo qeybaha Kale duwan ee bulshada degmada Galdogob.

DHAMMAAD.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GIDAHA FADERALKA IYO DIMUQRAADIYEYNTA PUNTLAND.