Wasiir Dhabancad oo baaq u diray Ardayda Reer Puntland (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa ka qeybgalay Munaasabad ay ku qalin-jabinayeen Arday dhameysatay Waxbarashada heerka kowaad ee Jaamacadda Boosaaso faraceeda magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Ardaydan oo tiradoodu aheyd 241 Arfay ayaa ka qalin-jabinayay Kulliyadaha Shareecada, Ganacsiga iyo Maamulka Casriga ah, Culuumta Caafimaadka iyo Culuumta Kumbuyuutarka ee Jaamacadda Boosaaso faraceeda Garoowe.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa ugu hambalyeeyay arday xaqiijinta mid kamid ah hadafyadoodii mudada dheer, isagoona kula dardaarmay inay aqoonta ay barteen uga faa’ideeyaan Bulshada, ayna ka muuqato.

Munaasabadda qalin-jabinta waxaa sidoo kale ka qeybgalay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilladd Dowladda Puntland, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland iyo Masuuliyiin kale.