Shir ku saabsan Hab-dhaqanka bulshada Barakacyaasha oo ka furmay Garoowe (Sawirro)

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshanyta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland Sharmaake Xasan Cali, ayaa magaalada Garoowe ka furay Aqoon-Isweydaarsiga Ansixinta Warbixinta u Kuur-Gelka Aqoonta, iyo Habdhaqanka Bulshada Barakacyaasha, kaas oo socon doona laba maalmood.

Aqoon isweydaarsigan oo ay kasoo qayb galeen Guddoomiyayasha Barakacayaasha Magalooyinka Puntland, iyo Agaasimaha Waaxda Barakacyaasha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha ayaa u jeedadisu tahay Isweydaarsiga Ansixinta Warbixinta u Kuur-Gelka Aqoonta, iyo Habdhaqanka Bulshada Barakacyaasha.


.
Agaasimaha Guud ee Wasaradda Qorshaynta Mudane Sharmaake Xasan Cali oo shirka furay ayaa tilmaamay Xogta lasoo uruurshey iney muhiim u tahay Puntland, laguna ogaanayo u kuur-gelida Xaalada Barakacayaasha.