Karaash iyo Xijaar oo kulan ku yeeshay Garoowe (VIDEO)

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Taliyaha Ciidamada Booliska DFS ayaa Madaxweyne ku-xigeenka warbixin ka siiyey kormeer ay ku sameeyeen xarumaha Booliska Puntland iyo goobaha loo diyaariyay doorashada Soomaaliya.

Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Jaamac Dabaraani ayaa ka warbixiyey.