Gaalkacyo: Ciidanka PSF-ta Puntland oo gacanta ku dhigay Shabakad katirsan Al-Shabaab

Ciidammada PSF-ta Dowladda Puntland oo howlgallo qorsheynsan la waday dhowaanahan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa gacanta ku dhigay Shabakad katirsan Kooxda Argagixisad ah ee Al-Shabaab.

Shabakaddan oo ka kooban 7 xubnood ayaa falal Argagixiso oo isugu jira Dilal, Qaraxyo, iyo weeraro qorsheysan ka fuljyay magaalada Gaalkacyo. Ciidanka PSF-ta Puntland ayaana qabtay xilli ay diyaarinayeen falal Argagixiso.

Saraakiil kamid ah laamaha Ammaanka Puntland ee Gobalka Mudug ayaa sheegay in Shabakadda la qabtay oo Argagixisada Al-Shabaab u qaabilsaneyd Gobalka Mudug ay ku jiraan 2 Amiir, ayna socoto baaristii u dambeysay ayna soo bandhigi doonaan, sidoo kalena la horgeyn doono Cadaaladda.