DEG-DEG: Cali Guudlaawe oo loo doortay Madaxweynaha Hirshabelle

Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa loo doortay Madaxweynaha cusub ee Dowlad Gobaleedka Hirshabelle, kaddib doorasho wajigeedii kowaad uu soo gaba-gaboobay oo ka socota Magaalada Jowhar.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa uu helay 86 cod isagoo ka guulaystay musharax Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan oo helay 13 Cod.

Cali Guudlaawe, ayaa horey u ahaa Madaxweyne ku-xigeenkii Madaxweyne Waare, sidoo kale waxaa uu soo noqday Guddoomiyihii Gobalka Shabeelaha Dhexe, waxaana lagu tilmaamaa Nin aan Siyaasadiisu saaxiib ku dhisneyn, oo qiimeeya dantiisa iyo tan Beeshiisa.