Axmed Madoobe oo gaaray Dubai

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa gaaray Magaalada Dubai ee Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kulamo kula yeelanayo Madaxda Sare ee dalkaas.

Axmed Madoobe ayaa diyaarad khaas ah ka qaaday Magaalada Nairobi ee xarunta Kenya, isagoona u tagay Dubai arrimo la xariira xoojinta xiriirka Jubbaland iyo Imaaraadka carabta oo taageero siiyo qeybo kamid ah Ciidanka Jubbaland, iyo Doorashooyinka 2020/2020.