Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay Guddiga qaban-qaabada Aaska Cumar Carte Qaalib

Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa magacaabay Guddiga Qaban-qaabada Aaska Qaran ee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carte Qaalib, kuwaas oo ka kooban siddeed xubnood, uuna hoggaamiyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Seylici.

Sidoo kale, Guddigan ayaa waxaa kamid ah Wasiirada Wasaaradaha Gaashaandhigga, Qorsheynta, Xanaanada Xoolaha, Kalluumeysiga, Warfaafinta, Diinta iyo Aw-qaafta, Guddoomiyaha Gobalka Maroodi-jeex iyo Duqa Magaalada Hargeysa.

AUN Marxuum Cumar Carte Qaalib oo maanta ku geeryooday Magaalada Hargeysa, ayaa Ra’iisul Wasaare iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda kasoo noqday Dowladdii Milateriga ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.