TPLF oo gantaallo ku garaacday markii labaad Bahra-daar

Ciidammada Ismaamulka Tigreega (TPLF), ayaa xalay Gantaalo ku garaacay Caasimadda Gobolka Amxaarada ee Bahra-dar, oo ah halka Xukuumadda Abiy Ahmed ay ka abaabulayso dagaalka ka socda Deegaanka Tigray.

Gantaaladan ayaa noqonaya kuwii labaad oo lala beegsado Bahra-dar tan iyo markii labo toddobaad ka hor ay dagaalladu ka qarxeen Tigray.

Waxaana lagu soo warramayaa in gantaallada aysan wax khasaare ah ka geysanin magaalada.

TPLF waxay ku eedeysay dowladda Itoobiya inay duqeyneyso goobaha ay ku nool yihiin dadka rayidka ah ee dhaca caasimadda Mekelle balse dowladda ayaa beenisay eedeymahaas.

Dhawaan ayay aheyd markii maamulka TPLF ay xaqiijiyeen in gantaallo ay ku garaaceen Eritrea.