XOG: QoorQoor oo qorsheynaya kala dirista Guddiga doorashooyinka DFS ee heer Galmudug

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ayaa aqbalay wax ka bedal uu sameeyo Guddiga Doorashooyinka heer Dowlad Gobaleed ee uu dhowaan magacaabay, kaddib kulan uu la yeeshay Musharixiinta Doorashada 2020 – 2021 ee kasoo jeeda Beelaha Hawiye.

Kulanka oo ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa Musharixiinta Doorashada ee ku Beesha ah Qoorqoor u sheegeen in aysan yeeli doonin in deegaankoodu u afduubnaado Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, ayna lagama maarmaan tahay inuu Qoorqoor qaato labo go’aan midkood, kuwaas oo kala ah;

1: Inuu kala diro Guddiga Doorashooyinka heer Dowlad Gobaleed ee dhowaan uu magacaabay, kana kooban 8 xubnood ayna kamid yihiin xubno katirsan Hay’adda NISA ee Fahad Yaasiin hoggaamiyo, Shaqaale Dowladeed iyo taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo.

2: Inuu diido kala dirista Guddigan ayna qaadaan talaabooyin ay kamid yihiin Mooshin ka dhan ah iyo ka horkeenida iyo luminta taageerada Beelaha Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo kulan la qaatay Taliyaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin ayaa ku wargaliyay inuu wajahayo jahwareer Siyaasadeed, uuna ka cabsi qabo Mooshin xilka looga tuurayo, isagoona u sheegay inuu go’aansaday kala dirista Xubnaha Guddiga Doorashooyinka heer Dowlad Gobaleed, ee uu horey u magacaabay, kuna bedeli doono xubno cusub oo ay ku kalsoonaan karaan Musharixiinta la heybta ah, sida uu inoo sheegay mid kamid ah saaxiibada Madaxweyne Qoorqoor.

Hoos ka Akhriso Magacyada xubnaha Guddiga Doorashooyinka heer Galmudug ee QoorQoor horey u magacaabay, Hadana uu qorsheynayo inuu kala diro.