Sheekh Shariif oo dalab adag hor-dhigay Madaxweyne Laftagareen (Sawirro)

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Hoggaamiyaha Midowga Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha Sheikh Shariif Sheikh Axmed, oo maanta gaaray Magaalada Baydhabo ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdiasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Kulanka Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweyne Laftagareen oo ka dhacay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka Dalka, waxaana si gaar ah diirada loogu saaray Guddiyada Doorashooyinka oo ay diidan yihiin Musharixiinta Doorashada ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa la wadaagay Madaxweynaha Koonfur Galbeed walwalka Musharixiinta ee ku aadan Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Gobaleed, isagoona u gudbiyay codsigooda ku aadan inuu kala diro xubnaha uu soo magacaabay ee matalaya Koonfur Galbeed, soona dhiso Guddi cusub oo lagu kalsoonaan karo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Sheekh Shariif u sheegay inuu dib ugu laabanayo Wada-tashi uuna ka warsugo.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.