Madaxtooyada Puntland oo Qoor-qoor ka baajisay imaanshihiisii Garowe

Qoor-qoor waa laga baajiyay Garowe maalinka beri ah booqashadiisii uqorshaysnayd.

Madaxtooyada Puntland,ayaa sidaa ku wargalisay caawa Madaxweyne Qoor-qoor sida ay ii xaqiijiyeen masuuliyiin sar sare.

Madaxweyne Deni ayay ubadan tahay in uu Dhuusamareeb tago kadibna isaga iyo Qoor-qoor ay uwada dhoofaan Kismaayo.

Madaxweyne Deni,ayaa abaabulay shir madaxda Somalidu iskugu imaanayso oo ka dhici doona Kismaayo 6-beri kadib,kaasoo lagu dhamayn doono khilaafka doorashada ee taagan.

Shirkaas waxaa Dowlada Fadaraalka ku matali doona Ra’isalwasaare Rooble.

Beesha caalamka,ayaa Deni cadaadis ku saartay in uu qaato door isku soo dhaweyn.

Jibril Qoobey.