IGAD oo baaq udirtay Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah

Qoraalka madaxda IGAD,ayaa lagu soo dhoweeyey heshiiskii 17-kii September ay hogaamiyeyaasha federaalka iyo kuwa dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ka gaareen doorashooyinka Federaalka.

“Golaha Madaxda IGAD isaga oo xusaya ahmiyadda hirgelinta heshiiska, waxa uu ugu baaqay dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah federaalka, iyo saamileyda kale, inay ku xalliyaan khilaaf kasta oo la xiriira maamulka doorashada iyada oo loo marayo kalsooni iyo hab lagu ilaalinayo muhiimadda hanaankii geeedi socodkii Dhuusamareeb iyo heshiiska 17-ka Sebtember 2020 ee ku saabsan hanaanka doorashada ee isbedelka lagu sameeyey, si doorasho waqtigeeda ku dhacda oo ay wada aqbalaan dhammaan Soomaalida loo qabto,” ayaa lagu yiri bayaanka.