Maamulka Gobolka Mudug oo isbadal mug leh lagu samaynayo

Waxaa soo socda isbadal weyn oo lagu samaynayo Maamulka Gobolka Mudug.

Duqa shaqada laga joojiyay Saahid,waxaa xubintiisa golaha deegaanka badalan doona beeshiisa,waxaana la dooran doonaa Duq cusub,iyadoo aan golaha Deegaanka lakala dirin.

Gudoomiyaha Gobolka Sanyare lama taabanayo,balse ku xigeenkiisa Xasan Wardheere,ayaa la cunayaa,waxaana buuxin doona booskiisa Nin reer Nayrobi ah oo lagu magacaabo Ina Ciribeey.

Xisaabiyaha Gobolka waa la tuurayaa,waxaana lagu badalayaa Nin beeshiisa ah oo Ingiriiska laga soo waariday.

Sidoo kale waxaa la badalayaa si buuxda Madaxa Sirdoonka Gobolka Sanweyne Cali Xaashi,waxaana lagu badalayaa Nin hadaba shaqada sii wada.

Guud ahaan isbadal weyn,ayaa Gobolka Mudug laga dareemi doonaa maalmaha soo socda.

Jibril Qoobey.