Dhaqaalihii Itoobiya oo dhulka galay

HOOS U DHACA DHAQAALAHA ITOOBIYA…

Dhaqaalaha Itoobiya ayaa lagga dayrinayaa, Ha’yadda lacagaha adduunka ee IMF ayaa saaddalisay in sannadka cusub waxsoosarka guddaha Itoobiya(GDP) uu noqon doono EBER(0%). Arrintan waxaa ka dhalan karta shaqo la’aan baahsan.

Shantii sannee u dambaysay waxaa bur-buray Afar boqol(400) oo maal gashi ah. Wasaarada maal gashiga dalka Itoobiya oo warbixintan shaacisay ayaa sheegtay in la awoodi waayay in dib loo haggaajiyo maal gashigan, maaddama hannaan qowmiyadeed loo beegsaday.

Sicir barar guud ayaa dalka saameyay, sarifka lacagaha qalaad ayaa cirka isku sii shareeraya. Dollarku suuqa madaw 53-Birr ayuu marayaa halka Bangigu ku sarifayo 39.6 Birr. Lacagta cusub ee Itoobiya oo lays lahaa waxbay ka baddalina maysan noqonin siddii lagga rabbay.

Daynta guddaha iyo midda dibbada ee dalka Itoobiya lagu leeyahay ayaa gaadhay saddex Tiriliyan oo Birr(3-Trillions). Waana caddad aad ubadan, dadka dhaqalaha odorosana waxay is waydiinayaan halka ay lacagtani gashay iyo sidda loo isticmaalay.

Guud ahaan xiisada waqooyi iyo shaqaaqoyinka guddaha ayaa sabbabay in wax soosaarkii dalku hoos udhaco, waxaana intaas dheer caddaadiska ree galbeedka iyo xiisada waqooyi ee dagaalka oo dhaqalaha dalka saamayn ku yeelatay…

W-Q:- Macalinka Soomaliyeed(Ms)