Madaxii Maaliyada alshabaab oo Bosaso lagu dilay

Faadumo Maxamed Maajo oo ahayd laba Kaarle kawada tirsan Shabaab iyo Daacish,ayaa lagu toogtay Bosaso.

Faadumo waxay ahayd madaxii Maaliyada Shabaab.

Sidoo kale waxay ku darsatay oo noqotay madaxii Maaliyada ee Daacish.

Labadaas jago ayay ku shaqaynaysay mudadan danbe.

Faadumo waxay ahayd qoftii maalgisay oo hawlgalisay Wiilkii dilay Maareeyihii DP World ee Dekeda Bosaso Paul.

Ciidamada amaanka,ayaa qabtay iyada iyo Nin la shaqaynayay,balse sifo sharci daro ah ayay uga baxday Xabsiga Bosaso,taasoo keentay in xilkii laga qaado Gudoomiyihii Maxkamada Danbiyada culus.

Faadumo labadii sano ee udanbeeyay waxay ku dhuumaalaysanaysay Magaalooyinka Bari sida Carmo ka hor intaysan Bosaso dib ugu soo laaban oo aysan ku biirin Suuqa Huudhayda oo galabta lagu dhex dilay Bakhaar ku yaal.

Dilkeeda ilaa iyo lama xaqiijin karo kooxda ka danbaysay,balse laamaha amaanka Puntland ma fulin.

Jibril Qoobey.