Ku dhawaad 1000-Askari oo Somali ah ayaa dhimasho iyo dhaawac kasoo gaaray dagaalka Tigreega

Inta la xaqiijiyay 370 askari oo somaali ah ayaa ku dhintay dagalkii Itoobiya iyo TPLF.

Askartan,ayaa dagaalka ka soo galay dhinaca Eretereya waxeyna ahaayeen 4-kun oo Askari.

Dhimashada iyo dhaawaca Askartaas soo gaaray,waa 900 oo askari sida ay xaqiiyeen ilo lagu kalsoonaan karo.

Dhalinyaradan oo markii hore laga soo ururiyay Gobolada Somaliya,gaar ahaan Sool,Galgaduud,Gedo iyo Burco,ayaa loo qaaday Eretereya si loogu soo tababaro wax lagu sheegay Ciidan Qaran oo Somaliyed.