Video:-Wasaarada Maaliyada Somaliya Oo Shaacisay In La Fasaxay Soo Dejintii Qaadka

Ugu horreyn wuxuu wasiir Beyle meesha ka saaray in jaadka ay dad gaar ah soo dhoofsadaan.

“Arrinta jaadka oo maalmahan hadal-heynteedu soo xoogeysaneysay oo la leeyahay jaadku cid buu u xidhan yahay, dad badan oo cabanaya ayaan baraha bulshada ka dhageystay. Waxaan doonayaa inaan soo afjaro hadalkaas, waxaan halkan ka caddeynayaa inaan jaadku cidna u xidhneyn,” ayuu yiri Bayle.

Hase yeeshee Wasiirku wuxuu sheegay in labo shuruud lagu xirayo qof walba oo doonaya inuu qaad dalka soo galiyo.

“Qofka Soomaaliyeed ee doonaya inuu ka ganacsado jaadka, sida ganacsiyada kaleba, waxaa looga baahan yahay inuu sharcigeeda soo maro oo kaliya. Haddaad dooneyso inaad jaadka ka ganacsato ruqsad baad soo qaadaneysaa, wasaaradda ganacsiga ee ku shaqada leh baad u tageysaa, ayagaa nidaamka kuu akhrin doona, waad soo qaadan ruqsadda kaddibna jaad keen.”Ayuu yiri Beyle.

Halkan ka daawo muuqaalka