Midowga Musharaxiinta oo taageeray go’aanka Puntland

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ku baaqay shir degdeg ah oo ay isugu yimaadaan dhammaan saamileyda siyaasadeed ee dalka, waxaana taagernay soo jeedinta Dowlad Goboleedka Puntland, Jubbaland iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee ahaa in shirka lagu qabto Muqdisho, kasoo qayb galayaashana la ballaariyo oo ay Beesha Caalamkana goobjoog ka noqoto.

Mudane Maxamad C/llaahi Farmaajo wuxuu shirka kaga soo qaybgeli karaa oo qur ah in uu yahay murashax la mid ah murashaxiinta kale ee u taagan xilka Madaxweynimo, haddii uusan tartanka ka tanaasulin.