Goodax Barre “Wadahadal doorasho waxaa ka horreeya in Jimcihii wixii dhacay laga wada hadlo”

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuumaddii xil-gaarsiinta ah ee DFS Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa si adag uga hadlay kulan ay Magaalada Muqdisho ku lee yihiin Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan.

Cabdullaahi Goodax Barre oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in doorasho dalka ka dhacda ay ka horrayso in dhacdadii Jimcaha laga hadlo.

“”Waxaa lagu waramayaa in James Swan, Qoor-Qoor iyo Laftagareen ay shir kula jiraan Farmaajo. Qaramada Midoobay waxaa looga fadhiyaa in Agendaha shirka saamileyda siyaasadda iyo shacabka ay u soo bandhigaan si kalsoonida loo hayo aysan u dhumin.  Wadahadal doorasho waxaa ka horreeya in Jimcihii wixii dhacay horta laga wada hadlo.” Ayuu yiri Cabdullaahi Goodax Barre.