Jubbaland oo ka hadashay Heshiiskii Rooble iyo Musharixiinta, baaq u dirtay DFS

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa looga hadlay Heshiiskii ay xalay wada gaareen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharixiinta Doorashada.

Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Madaxtooyada Jubbaland.

Dowladda Jubaland waxay soo dhaweynaysaa heshiishka dhex maray Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Jubaland waxay ka rajaynaysaa Dowladda Federaalka ah inay wax ka badasho qaabka ay ula dhaqmayso musharaxiinta mucaaradka iyadoo loo baahan yahay in ay la imaato xal la xiriira caqabadaha kale ee ku xeeran qabashada shir wadatashi ah oo loo dhan yahay oo lagu dhameystirayo arrimaha muranku ka jiray si ay u abuuranto jawi qabsoomidda doorasho ku dhacda si nabad ah oo wadar ogol ah taas oo waafaqsan heshiiskii 17 September habraacyadii lagu heshiiyey iyo Dhuruucda dalka.

Jubaland waxaay ugu baaqaysa Dowlada Federaalka ah inay garowsato in saamileeyda Siyaasada iyo musharaxiinta ay xaq u leeyahiin ka qeyb galka daadalada socda ee la xiriira go’aan ka gaarista hanaanka Doorashada.