Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta oo kulan kale yeelanaya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in maanta oo isniin ah uu Magaalada Muqdisho kulan kula qaato markale Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha.

Kulanka ayaa daba socda kulankii dhawaan uu la qaatay ee heshiiska ay ku wada gareen, Ra’iisul Wasaare Rooble, Midowga Musharixiinta iyo Madaxweynayaasha Galmudug & Hir-Shabeelle, kaas oo lagu dejinayay xaalada Magalada Muqdisho.

Wararka la helay ayaa sheegaya in kulanka looga hadli doono kaalinta ay Midowga Musharixiinta ku yeelan  doonaan wada-hadallada al xiriira arrimaha doorashooyinka ee ku saabsan dhameystirka & dhaqangelinta heshiiskii 17-kii September.