Ciidanka Puntland oo qabtay gaari dumiyay qeyb kamid ah Buundada Garoowe (Sawirro)

Ciidanka ilaalada waddooyinka Dowladda Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay gaari burburiyay qeyb kamid ah dhinacyada Buundada halbowlaha ah ee magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland iyo qofkii watay.

Qabashada gaariga oo nooca raaxada ah ayaa waxaa Ciidanka ka caawiyay Dadka Shacabka ah, kaddib markii uu Duqa Caasimaddu ka codsaday shacabka in Ciidanka lagu garab siiyo soo qabashada gaariga.

Duqa Degmada Garoowe ee Caasimadda Puntland Hon: Ahmed Musse ayaa uga mahad-celiyay Shacabka Garoowe iyo Ciidanka ilaalada waddooyinka ee gaarigan gacanta kusoo dhigay.