Puntland oo xukun adag ku riday Haweeney jir dishay Gabar yar (VIDEO)

Maxkamada darajada 1-aad ee Gobolka Mudug ayaa xukun isugu jira xabsi, lacag magdhow ah iyo ganaax ku ridday Haweenay jirdil ugu geysatay magaalada Gaalkacyo gabar yar oo ay eedo u tahay laguna magacaabo Qaali Ilyaas Sheekh Cali.

Maxkamadda ayaa ku xukuntay Haweeneydan oo lagu magacaabo Luul Sheekh Cali, saddex sanno oo xarig ah, $1,000 oo ganaax ah iyo $4,000 oo magdhow ah, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamada darajada 1-aad ee Gobolka Mudug Cabdinaasir Maxamed Cali.