Maxaa kasoo baxay kulankii shalay ee Madaxda D/Gobaleedyada ?

Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ayaa maalintii Saddexaad yeelanaya kulan, kaas oo lagu gorfeynayo marxalada Dalka iyo go’aan ka gaarista hirgalinta heshiiskii doorashooyinka.

Kulanka maanta ayaa si gaar ah diirada loogu saaraya caqabadaha hortaagan qabsoomida Shirka wada-tashiga doorashooyinka wada-tashiga iyo doorka hoggaaminta Shirka iyo fulinta heshiiska doorashada.

5 Madaxweyne ayaa kulankoodii shalay ku gaaray illaa 8 qodob, kuwaas oo ay kamid yihiin;

1: In si wadajir ah ay uga shaqeeyaan qabsoomida Doorashooyinka.

2: In ay u midoobaan in laga gudbo caqabadaha hortaagan qabsoomida Shirka wada-tashiga doorashooyinka.

3: In laga heshiiyo Ajandaha Shirka, iyo Arrimaha kale ee ku xeeran.

4: In la qanciyo saamileyda siyaasadda, iyadoo Dowlad gobaleedyadu matalayaan, musharixiinta, si loo dheelitiro doodaha Doorashada.

5: In la adkeeyo midnimada Dowlad Gobaleedyada lagana fogaado waxyaabaha fashil kara, iyadoo wax laga baranayo dhacdooyinkii horey u kala fogeeyay.

Idilnews