Madaxweyne Deni oo cafis u fidiyay 66 maxbuus oo ku xiran xabsiyadda Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 13 kuna saabsan Cafis Guud oo uu u fidiyey 66 maxbuus oo ka mid ah maxaabiista ku xiran xabsiyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad farqadasiisa 11naad

Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan celinta.

Wuxuu xeeriyey:

1.Waxaa cafis guud loo fidiyey fadliga bisha barakeysan ee Ramaddan iyo xaalada caafimaad ee caabuqa Covid-19 awgeed 66 maxbuus oo ku kala xiran xabsiyada Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD