Sheekh Shariif oo wata Ciidammo fara-badan oo ka guuray hoygiisa

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa xalay u guuray waqooyiga Muqdisho, iyadoo  qorshahan uu qeyb ka yahay tallaabooyin Musharaxiinta kula wareegayaan xaafadaha Muqdisho.

Sheekh Shariif iyo Ciidammo uu wato ayaa degay guri ku yaalla degmada Cabdicasiis oo aan sidaa uga fogeyn halkii uu dhowr cisho ka hor uu degay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshe Musharaxiinta Madaxweynaha ku dagayaan xaafadaha Muqdisho, iyagoo ka guuraya goobihii ay degenaayeen ee nawaaxiga garoonka diyaaradaha.