Taliye katirsan Ciidanka Farmaajo oo ku biiray Mucaaradka

Taliyihii ciidanka booliiska ee Saldhigga degmada Shibis, Farxaan Axmed Xasan “Jaraaye” oo wata gaari Cabdi bile ah ayaa ku biiray ciidanka ku sugan aagga Mirinaayo ee ka soo horjeeda muddo korarsiga Madaxweyne Farmaajo.

Taliye Farxaan waxaa la socda ciidamo ka tirsanaa booliiska Soomaaliya oo uu taliye u ahaa. Jaraaye ayaa kamid ahaa taliyaashii la magacaabay markii xilka laga qaaday Saadaq Joon, inkastoo ka hor uu taliye ku xigeen ka ahaa Yaaqshiid.