Ra’iisul Wasaare Rooble “Ciidammo dhexdhexaad ah ayaa loo xil saarayaa Amniga Doorashada”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inay xukuumaddiisa ay ka go’an tahay inay soo dhisto ciidamo khaas ah oo fuliya amniga dooarshada, kuwaasi oo loo wada dhan yahay dhexdhexaadna ah.

Hadalkan ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay xilli uu kulan la lahaa xubnaha beesha caalamka oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay ciidankaasi ku shaqayn doonaan xayndaabka sharci kadib marka wadatashi lala sameeyo dhammaan saamilayda siyaasadda.

Waxa uu sheegay in kadib markii uu wadatashi la sameeyey maamul gobleedyaada uu diyaar u yahay inuu dalka ka hirgeliyo doorasho aasaaskeedu yahay heshiiskii 17-kii September.

Rooble ayaa sheegay in caqabadda keliya ee hortaagan doorashada ay tahay dhammeystirka heshiiskii 17-ka September, iyadoo loo sii marayo taloyinkii shirkii Baydhaba.

Waxa uu ugu baaqay Qaramada Midoobay iyo xubnaha kale ee beesha caalamka inay billaabaan qorshayaasha ku saabsan taageerada dhinaca tasiilaadka, farsamada iyo dhaqaale ee loo fidinayo hannanaka hirgelinta doorashada.

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhowaan u sheegay baarlamaanka inuu qabanqaabada iyo amniga doorashada uu ku wareejiyay Ra’iisul Wasaare Rooble.