Muxuu yahay Ujeedka safarka Maareeyaha DP World ee Somaliland ? (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland Muse Bihi Abdi, ayaa kulan la yeeshay Maareeyaha Shirkada DP World Sultan Ahmed Bin Suleyman, oo soo gaaray magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Biixi iyo Maareeyaha DP World ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka Somaliland iyo DP World, iyo sidii loo dardar-galin lahaa balaarinta Dekedda Berbera iyo mashaariicda kale ee ku gadaaman, sida wadada Berbera Corridor.

Tagista Maareeyaha Shirkada DP World Sultan Ahmed Bin Suleyman, ee Somaliland ayaa la xariirta furitaanka wejiga koowaad ee dhismaha dekeda Berbera oo dhammaaday dhawaana la furidoono.