Madaxweyne Deni oo ka qeybgalay Aaska Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland (VIDEO)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Garoowe kaga qayb-galay Aaska Qaran ee Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Janaraal Cabdisamad Cali Shire

Masuuliyiin ka tirsan Guddoonka Baarlamaanka Puntland, Goleyaasha Dowladda, Saraakiil, madax-dhaqameed, cullimo, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale ayaa ka qayb-galay Aaska.

Madaxweyne Deni iyo dhammaan masuuliyiintii kasoo qayb-galay ayaa Alle SWC uga baryey Marxuumka Naxariistiisa Janno, waxa ay ku booriyeen ummadda Soomaaliyeed inay iska cafiyaan Marxuumka, una duceeyaan.