Xildhibaanad Surweel ay qabtay dartii Baarlamaanka looga saaray (Sawirro)

Xildhibaanad Condester Sichwale, oo kamid ah sharci-dajiyayaasha dalka Tanzania ayaa laga saaray kulan ay lahaayeen Baarlamaanka, kaddib markii dood ka dhalatay surweelka ay xirneyd oo ahaa mid ku dhagan.

Doodda oo buuq ka dhex abuurtay Baarlamaanka Tanzania ayaa timid kaddib markii Xildhibaan Xuseen Amaar, uu sheegay in qaabka dumarka qaarkood ay u soo lebbistaan ay Baarlamaanka u keeneyso in lagu maadeysto. Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaana markiiba amray Xildhibaanad inay Golaha ka baxdo.

Xildhibaanada Haweenka ah ee ku jira Baarlamaanka Tanzania ayaa dalbaday in raalli-galin laga bixiyo talaabada kulanka Baarlamaanka oo dhacay talaadadii looga saaray Condester Sichwale.

Koox xildhibaanno haween ah oo ay hoggaaminayeen xildhibannada kala ah Jacqueline Ngonyani iyo Stella Manyanya ayaa ku doodaya in tallaabadaasi ay ahayd mid caddaalad-darro ah isla markaana aysan jirin wax ka khaldan lebbiska Sichwale.

Dhacdadani ayaa sidoo kale soo jiidatay indhaha dadka isticmaala baraha ay bulshada ku xiriirto dunida oo dhan, iyadoo dadka qaar ay sheegayaan in arrintani ay tusaale u tahay sida raggu uu dumarka ugu yeeriyo sida ay tahay in ay u lebbistaan.

Idilnews