Madaxweyne Deni oo dib u dhigay Isku-shaandheynta Golaha Wasiirada Puntland

Saraakiil sare oo kamid ah Madaxtooyadda Puntland ayaa u sheegay Idilnews, in Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni uu dib u dhigay isku-shaandheyn balaaran oo la sugayay inuu ku sameeyo xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda uu hoggaamiyo.

Madaxweyne Deni ayaa 24 bishan sameyn doona magacaabis kooban, sida buuxinta Wasaaradaha aan Wasiirada laheyn iyo Agaasimayayaal Guud. Waxaana Isku-shaandheynta loo dib dhigay doorashooyinka Dalka kaddib.

Golaha Wasiirada Xukuumadda Madaxweyne Deni oo labo sanno iyo bar jooga Xafiisyada, ayaa lagu tilmaamaa kuwii ugu liitay ee soo mara Puntland, iyagoo ku guuldareystay gadista Siyaasadda Xukuumadda ay kamid yihiin iyo qancin beelaha ay matalaan.

Idilnews