Maxaa looga hadlay kulanka Baarlamaanka Puntland ? (VIDEO)

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 48-aad Golaha Wakiillada Puntland.

Kulanka maanta waxaa Xildhibaannada loogu qaybiyey Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 48-aad, si waafaqsan qodobka 42-aad farqadiisa 4-aad ee Xeer hoosaadka Golaha Wakiillada, kaas oo ay soo diyaariyeen Shir Guddoonka Baarlamanku.

Sidoo kale Kulanka maanta waxaa Golaha laga hor akhriyey warbixinta guddiga joogtada ah ee Kalfadhiga 48-aad, warbixintaas oo ku saabsanayd waxqabadka Guddiga joogtada ah ee muddadii u dhaxeysay labada kalfadhi.