Safiirkii Jenya Ee Somaliya oo dib ugu soo laabtay Muqdisho 6-bilood kadib

Safiirka Kenya ee Soomaaliya Amb. Lucas Tumbo ayaa maanta dib ugu laabtay Muqdisho, waa tallaabadii u horeysay ee Kenya u qaaday soo celinta xiriirkii diblomaasiyadda iyo dib u furida Safaaradeeda Muqdisho muddo lix bil kaddib oo labada dal ay Safaaradaha kala rarteen.

Ergada Diblomaasiyiinta Soomaaliya ayaa la filayaa in maalmaha soo socda dib laabtaan Nairobi, si ay iyagana dib uga furaan Safaaradda, loona bilaabo howlihii diblomaasiyadda.